Ra’iisulwasaare Rooble oo Xilalka u kala Wareejiyey Wasiirada arrimaha Gudaha iyo Amniga.+Sawirro

25

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Amniga.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa ku ammaanay Wasiirradii hore ee xilka wareejiyey maanta howlkarnimadii ay muujiyeen mudadii ay xafiiska joogeen, isagoo tilmaamay in labadani wasaarradood ay kamid yihiin lafdhabarka dowladda, loogana fadhiyo wasiirrada cusub ee xilalka la wareegay waajibaadkooda in ay u gutaan si caddaalad ah.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada xilka la wareegay in dalkooda ay ugu shaqeeya si daacaad ah, maadaama wasaaradaha ay la wareegeen muhiim u yihiin dowladnimada, gaar ahaan Amniga, Federaaleynta iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Gen. Mukhtaar Xasan Afrax,

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Isloow  ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Mudane Xasan Xundumeey Jimcaale.

Maalmahan ayaa waxa Sooctay Munaasbadaha ay xilalka ku kala wareegayaan Wasiiradda Cusub ee Uu dhawaan dhisay Ra’iisulwasaare Rooble