Ra’isul wasaare Rooble oo amar dul dhigay Golaha Wasiirada

54

Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo ku socda golihiisa Wasiirada.

Qoraal ka soo baxay xafiiska RW oo ku taariikheysan 26-kii bishan ayaa lagu faray wasiirada inaan la bixin karin, lana kireyn karin hanti dowladeed, heshiisyo cusubna la geli karin, iyadoon lala socodsiin raisul Wasaaraha, waxaana la sheegay in go’aankan inuu yahay mid lagu xoojinayo isla xisaabtanka.

Sidoo kale, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha iyo Geedi socodka hanaanka dowladnimada ayaa wasiirada Xukuumada waxaa laga mamnuucay ineysan xilalka ka qaadin agaasimayaasha Wasaaradahooda.