Raisul-wasaare rooble oo ka hadlay arimaha Rugta Ganacsiga

86

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo horey Wasiirka Ganacsiga u kala diray.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa kulan kula yeeshay warbaahinta Madaxa bannaan, iyadoo agaasimayaasha warbaahinta ay su’aalo ka weydiiyeen xaaladda dalka.

“Rugta ganacsiga lama kala dirin waana saxeyna warqadi ka so baxday wasiirka” ayuu yiri Ra’iisale Rooble oo su’aalo laga weydiiyay in kala diristii rugta ganacsiga la kala diray isla markaana tallaabadaasi ay si weyn uga xumaadeen rugaha ganacsatada maamul goboleedyada dalka.