Raisulwasaaraha soomaaliya oo mashaariic fara badan kasoo dhagax dhigay deegaanada Galmudug mudada uu safarka ku maqnaa

32

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa safar shaqo oo uu ku tagay Puntland iyo Galmudug, kaas oo ku qotomay arrimaha doorashooyinka, iskaashiga DFS iyo Dowlad-goboleedyada iyo u kuurgalidda nolosha bulshada.

Ra’iisul wasaare Rooble, intii uu ku guda jiray safarkii shaqo ee qaatay 11-ka cisho, waxaa uu mashaariic kala duwan ka dhagax dhigay magaalooyinka Dhusamareeb iyo Caabudwaaq.halkaasi oo uu ka dhagax dhigay dhowr mashruuc oo loogu adeegi doono bulshada  halkaasi ku nool

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdixakiin Xassan, oo ka warbixiyey safarkii shaqo ee ra’iisul wasaaraha uu ku tagay maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu u kuurgalay xaalada nololeed ee bulshada ku dhaqan magaalooyinka iyo deegaannada uu tagay oo uu kulamo la yeelanayey madaxda, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheda kala duwan.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdixakiin Xassan,ayaa tilmaamay in raisulwsaraha uu deegaanada Maamulka Puntland oo uu soo dhagax dhigay dhowr xaruumood oo ah kuwa danta guud waxana ka mid ah garoon diyuuardaha ee caasimadda Galmudug iyo xaruumo kale oo muhiim ah  kuwaasi oo Ra’iisul wasaare Rooble,oo xariga ka jiray sida uu sheegay  Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdi Xakiin Xasan Ashkir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo socdaalkan  shaqo ku soo maray deegaannada Puntland iyo Galmudug ayaa ku soo gabagabeeyey magaalada Gaalkacyo, waxaana uu uga mahadceliyey bulshada iyo mas’uuliyinkii kala duwaneyd soo dhaweyntii diirranayd ee uu kala kulmay deegaannadii uu socdaalka ku marayay.