Ra’isulwasaare Rooblle oo kulan la yeeshay qaar kamid ah Ururada u Dooda Saxaafada.

29

Raisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa  kulanka la qaatay qaar ka mid ah  ururada U dooda Saxaafadda

Kulankan ayaa waxaa uu aha  mid is xogwareysi ah oo Raisul Wasaaraha uu uga war qaadanayay  dareenka iyo talada saxafiyiinta  soomaaliyeed.

Ugu horeyn waxaa Madasha ka hadlay  RW Maxamed Xuseen Rooble oo sheegay in waarbaahintu dhankeeda ay saaran tahay masuuliyad weyn loona baahan yahay in ay sheegaan xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira si madax bannaan balse aaney male-awaal iyo ku tiri kuteen sal aan laheyn aaney wax ku marin habaabin .

Raisulwsaare  Rooble  ayaa Waxa uu tusaale u soo qaatay in uu arkay Website-yo wax ka qoraya goob uu ka hadlay oo umadda u gudbinaya wax ka duwan wixii uu sheegay oo duuban ,lana heli karo.

Xukuumadda RW Rooble waxaa ku jira afar xubnood oo ahaa wariyayaal hore sidaa awgeed ,wax ay warbaahintu rajeyneysaa inuu kulankaasi ahaa “Billow Barako ” u noqdo sida uu sheegay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Xoghayaha Guud ee Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka mid ah wariyaashii la kulmay Raisul Wasaaraha.

 Ugu dambeyntii kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid looga hadlay  sidii loo abuuri lahaa jawi iyo is faham iyo wadashaqeyn saamaxda in warbaahintu ay hesho deegaan nabdoon oo ay ku shaqeyso ,dalkan horumarkiisa iyo wanaagiisa loo wada istaago isla markana dhanka dowlada ay ka qeyb qaadato wada shaqeyntaasi