Roob sababay dhimasho iyo dhaawac oo Ka da’ay Galmudug

19

Roobka deyrta ayaa ka curtay gobolada dalka Soomaaliya.

Roobka ayaa maalmahaan ka da’ayay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud waxaana xalay roob xooggan oo ka da’ay magaalada Baxdo ee hoos timaada Degmada Cadaado ku dhinay Gabar yar halka ruux kale oo dhawaac kasoo gaaray, kadib markii uu hoygii ay ka degenaayeen uu ku soo dumay.

Wararka naga soo gaarayo halkaasi ayaa tilmaamayo in Ruuxa dhaawaca uu soo gaaray oo ah gabar yar ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitalka magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud.

Roobabkan ayaa waxa ay burburiyeen guryo dad shacab ah deganyihiin .