Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Puntland iyo khasaare ka dhashay

48

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka duu-hooyo ee hoostaga Magaalada Raka Raaxo ee gobolka W/bari,ayaa sababay dhimasho iyo khasaarooyin kale oo burbur hanti ah.

Gudoomiyaha degmada rako raaxo  C/risaaq C/raxman Saalax,ayaa sheeegay in roobab mahiigaan ah oo ka da’ay halkaasi ay sababeen daadad ay ku dhimatay haweeneey da’ah, islamarkaana uu bur bur soo gaaray sodon iyo shan guri.

Guddoomiyaha ayaa xusay in loo baahan yahay dadaallo ballaaran oo wax loogu qabto dadkii ku barakacay daadadkaasi ku soo rogmaday halkaasi,wuxuuna ugu baaqay bushada soomalaiyeed, dowladda maamulka putlan iyo dowladda federaalka soomalaiya in ay u soo gurmadaan bulshada

Wasaaradda Deegaanka  Beeraha iyo Isbedelada Cimilada dowlad goboleedka puntland ayaa horay u soo saaray digniin la xiriirta roobab dabeylo wato oo ku wajahan deegaano ka tirsan maamulka punt land