ROOBABKA GU’GA OO KA CURTAY GOBOLKA DOOLLO EE DOWLAD DEGAANKA DDS

38

Roobabka Gu’ga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay dhul kala duwan oo ka tirsan Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka DDS, halkaas oo abaaro iyo biyo la’aan daran ka jirtay.

Roobabka oo Mir iyo Mayay-ba leh, ayaa sida la sheegayo maaruqay balliga Waaf-dhuug iyo degaanno kale oo ka tirsan degmada Wardheer ee Gobolka Doollo.

Sawirro laga soo qaaday balliga Waaf-dhuug, waxay muujinayan xareed waran iyo rays qoyan oo weli ka muuqda dhulka.

Sidoo kale, waxa sawirka ka muuqda daruur biyaysan oo cirka ku marriiman.