Rooble oo safarkiisii ugu horreeyey maanta uga baxaya dalka + Ujeedka

53

Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in saacadaha soo socda maanta oo Axad ah la filayo in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka dibadiisa ugu amba-baxo safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii loo magacaabay xilkan 17-kii Sebetmber.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qeyb gali doona tacsi dalka Kuwait maanta loogu sameynayo amiirkii dalkaas Sheekh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah oo ku geeriyooday Mareykanka.

Sidoo kale wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in safarkan markiisii hore loo qorsheyay madaxweyne Farmaajo, balse is-bedel uu ku yimid shalay, kadib markii  madaxweynuhu u baxay dalka Suudaanta Koonfureed halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabad ballaaran.

Safarka Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uusan soo dhisin xukuumaddiisa oo ay hortaallo shaqo adag oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada.