Rooble oo amar siiyay Hay’addaha amniga Dowladda Federaalka

26

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xoogga ka fuliyeen Gobolada dalka, xoojinta amniga Caasimadda iyo u diyaar garooga dhinaca amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramaadan.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kulanka inta uu socday Ra’iisul Wasaare Rooble uu warbixino kala duwan oo xiriiray amniga uga dhageystay Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa laamaha amniga ku amray inay dardar-geliyaan xoojinta amniga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo xiliyada qaarkood ay dhacaan falal amni darro.

Sidoo kale Rooble ayaa Saraakiisha Ciidanka qeybahooda kala  duwan ugu baaqay inay wadashaqeyn yeeshaan, isla markaana la iska kaashado sidii looga hortegi lahaa wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.

Si kastaba Kulankaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble la qaatay Saraakiisha laamaha amniga dowladda ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo la guda galayo bisha barakeysan ee Ramadaan oo marar qaarkood ay dhacaan falal amniga lid ku ah.