Rooble oo isku shaandheyn ku sameeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda

17

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Rooble ayaa waxaa xilalka loogu kala wareejiyay Wasiirada xilka sii-haaya ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo tan shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Rooble ayaa xilka Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada u magacaabay inuu noqdo Duraan Axmed Faarax  oo ahaa Wasiirkii shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda xil-gaarsiinta.

Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa isna loo wareejiyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Xukuumadda, isagoona markii hore ahaa Waasiirka Gaadiidka oo uu in muddo ah haayay xilkaas.

Wareegtada isku shaandheynta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa Telefashinka Qaranka ka Akhriyay Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe.