Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Kulanka oo ka qabsoomay hoyga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiradda lagu saaray, sidii looga wada shaqayn lahaa, arrimaha Hortabinta leh ee ku salaysan marxalada uu dalku ku jiro sida in Doorashooyinku ay ku qabsoomaan si daah furan.
Kulankan ayaa daba socdey kulamo gaar gaar ah oo uu wado R/W Rooble ee ku aadan dhageysiga tallooyinka madaxda dowlad goboleedyada iyo qaar kamid ah madaxda Mucaaradka.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyin ku saabsan fikirkooda ku aaddan sidii looga wada shaqeyn lahaa Arrimaha Amniga dhaqaalaha , Doorashooyinka.