Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay dhacay degmada Shangaani, halkaasi oo ay ku dhinteen 5 dhallinyaro ah oo uu ku jiray canug saqiir ah.
Rooble ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku nafwaayay weerarka, isagoo Alle uga baryay inuu u bongo dhayo dadki kale ee ku dhaawacmay.
“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Al-Shabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.