RW ku xigeenka oo gudoomiyay shir ay ka qeyb galeen Golaha Wasiirrada iyo khubaro

27

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa  guddoomiyay shir ay ka qayb galeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo khubaro.

Shirkaan ayaa hadlayay u diyaar garowga Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum) oo toddobaadkan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo kulankaasi oo uu khudbad ka jeediyo.

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb gali doono xubno ka mid  ah bulshada Caalamka.