RW Rooble Iyo C/Raxmaan C/Shakuur Oo Kulan U Socdo

21

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Siysaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa Caawa kulan ku leh Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana wali socda shirka oo ah mid xasaasi ah.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in Shirku uu billaawday Salaadda Maqrib kadib, waxaana shirku uu yahay mid Albaabadu u xiran yihiin sida wararku sheegayaan.