RW Rooble “Mudaaharaadku Waa Waajib Dastuuri Ah Oo Qokasta Oo Soomaali Ah Uu Xaq U Leeyahay

64

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shirka soo xiray ayaa sheegay in heshiis is afgarad ah la gaaray xalay, isla markaana ay Ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen taariikhi ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay waan idin maqanahay, waa noo muhiim xoriyatul qowlka, mudaaharaad waa waajib dastuuri ah oo qokasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay, waxaa kaloo waajib ah in laga wada shaqeeyo sugidda amniga, shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay nagu garab istaagaan sidi uu dalkan uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadalkiisa ku daray in dowladda ay ka go’antahay qabsoomidda doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga murashixiinta ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dalka uu ku jiro xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama uu soo labo kacleeyay xanuunka COVID-19, qofkastana looga baahanyahay in uu ka qeyb qaato sidii loo yareyn lahaa faafidda cudurka.