RW Rooble Oo Booqday Dhaawacyada Shaqaalihii Turkiga Ee La Qarxiyay

68

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku booqday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo shalay qarax Is-miidaamiin ah lala eegtay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay howlwadeennadan ku dhaawacmay iyagoo ka shaqeynaya horumarinta dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Injineerro u dhashay dalka Turkiga.

Waxaa uu u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha ,dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay uga dhiirran yihiin garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed oo Al-shasbaab ay u bartilmaamsadeen dadaalka dib u dhiska ah ee ay ka wadaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Alle u weydiiyey naxariistiisa Janno walaalihii Turkiga ahaa ee ku nafwaayay falkan iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee kala shaqeynayay dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Turkiga, halka saddex Askari kalena ay ku dhaawacmeen.