RW.Rooble oo dhagax dhigay dhismaha Garoonka Dhusamareeb.

25

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wadajir u dhagax dhigay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb.

Mashruuca Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kasoo lsbuucanba la-bilaabi doono dhismihiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay dhismaha garoonka Magaalada oo muhiim ah.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay maamulka Galmudug in ay dadaal ku bixiyaan dhismaha kaabayaasha dhaqaallaha oo muhiim u ah Galmudug.