RW Rooble Oo Dib U Celiyay Safiiro Maanta La Magacaabi Lahaa Iyo Sababta

24

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib u celiyay 12 Safiir, kuwaasi oo la doonayay in Maanta loo Magacaabo dalalka caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maxamed Cabdirisaaq ayaa soo gudbiyay Liiska Safiirada Cusub, waxaana la isku fahmi waayay Awood Qaybsiga ku salaysan 4.5, iyadoo ay xusid mudan tahay in xunaha Maanta dib loo celiyay ay ka mid yihiin Mas’uuliyiin horey dalka Xilal sar sare kasoo qabtay, waxaana ka mdi ah: Wasiiru-dowlihii hore Arrimaha dibadda Cabdulqaadir Axmed Kheyr, Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirkii hore Cadaaladda Ilka Jiir iyo wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.

Golaha Wasiirrada ee maanta la horkeeney 12 ka safiir ayaaa si weyn u Saluugay qaabka wasiirku usoo xulay xubnaha, waxaana la sheegay in ay hal beel u badnaayeen, taaasi oo keentay in dib loo celiyo.

Hoos ka aqriso Liiska magacyada