RW Rooble oo guddoomiyay shir looga hadlay ka hortaga Coronavirus

69

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay ka hortagga, la tacaalidda iyo wacyigelinta cudurka Corona Virus oo soo laba kacleeyay.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka wasaaradda Caafimaadka Fowsiyo Abuukar Nuur iyo xubno ka tirsan wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr.Fowsiyo Abiikar Nuur oo kulanka kadib la hadashay warbaahinta ayaa ayaa bulshada ugu baaqday inay ka taxaddaraan cudurka oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay aad u soo faafay.

Xanuunka Coronavirus ayaa ku soo laba kacleeyay gudaha dalka sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka. Waxaana kiisaska ugu badan ee xanuunkan laga helay gudaha magaalada Muqdisho