Friday, June 25, 2021
Bogga Hore Wararka Manta RW Rooble oo Imaaraatka kala hadlay Gurmadka fatahaadaha Webiga

RW Rooble oo Imaaraatka kala hadlay Gurmadka fatahaadaha Webiga

13

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Isniin ah xafiiskiisa kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Danjire Alcuthman ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay Arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday sidii dowladda Imaaraatka Carabta ay kaalin uga qaadan laheyd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Danjire Maxamed Axmed Alcuthman ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay, sidoo kalena Rooble ayaa mahad u jeediyay Alcuthman.

Kulanka Safiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegmaya, iyada oo weli uu wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.