Safaarada Qatar Oo Xaruntoodii Muqdisho Ka guurtay

133

Safaaradda Dowlada Qatar ee Magaalada Muqdisho ayaa ka guureysay dhismihii iyo wadadii u xirneyd muddo Sanado badan ah.

Dhammaan qalabka safaaradda oo shaqaalaha ay ku shaqeynayeen ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si xowli ah looga daabulay dhismaha safaaradda oo si kirro ah ay ku daganayd Muddo Dheer.

Safaaradda Qatar ayaa dhismahan oo kuyaal wadada ka baxda isgoyska KM4 ee aada isgoyska Tarabuunka waxaa u xirnaa muddo sanado ah iyada oo laamigii dadweynaha isticmaali jireen darbi iyo ganjeel ku xiratay taasi oo dowladda Soomaaliya raali uga ahayd.

Wadadan ayaa Muddo la marin waxana ay  dhibaato ku qabay dadka degan wadadaasi iyo kuwa isticmaala

Maanta ayaa waxa la arkayay dhismaha Safaaradda oo laga raraayo Dhamaan wixi u yaalay

Ilaa iyo hadda ma jiraan cid ma’suul ah oo ka hadashay Guuritaanka Safaraadda Qatar ee Magalada Muqdisho