Safaaradda Soomaaliya Ee Magaalada Nairobi Oo Shaqada Joojisay.

29

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay tahay 16 December la joojiyey illaa amar dambe adeegyadii kala duwana ee safaaradda.

Sababta ayaa waxaa lala xiriirinayaa go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirkii diblumaasiyadeed ugu jartay xukuumadda Nairobi.

Sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo noqonaya dalka, si loo fuliyo amarkii iyo go’aankii dhowaan ka soo baxay dowladda dhexe.

Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda magaalada Nairobi ku wajahan xubnaha midowga musharraxiinta mucaaraadka ee u taagan xilka madaxweynaha ee 2021-ka.

Musharraxiinta ayaa lagu soo warramayaa in halkaasi ay kulamo kula qaadan doonaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo iyana ku sii jeeda dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadaasi ay ka shiri doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli is jiid-jiid uu ka jiraa hannaaka loo wajahayo doorashada oo ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.