Safiirka soomaaliya u fadhiya qaramada midoobay oo sheegay in ay hoos u dhacday awooda burcad badeeda

28

Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka qaramada midoobay u gudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga burcad badeed Soomaaliya kadib markii aan sedexdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diwaan galinin kiis afduub ee xaabadaha dalka.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baalle oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kala diro guddiga maadaama sedaxdii sano ee la soo dhaafay in xeebaha dalka laga diwaan galin afduub iyo dhacdooyinka, iyadoo sanadkii ugu dambeeyay aan la araga isku day xataa.

Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Soomaaliya laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo siishilis waana sababta dowladda soomaaliya ay udooneyso in meesha la taaganyahay laga gudbo ayuu yiri Danjire abuukar Baale.

Danjiraha qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baalle waxaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo joojin lahaa kalluumaysiga sharci darrada ah oo Maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan lahayd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay u qaadi lahayd.

Danjire Abuukar Baalle waxa uu sheegay in la joojiyay lacagtii lagu bixin jiray guddigaan sadexdii sano ee la soo dhaafay, isla markaana dowladda Soomaaliya ay golaha amaanka Qaramada midoobay ka sugayso in la kala diro taa badalkeedana laga shaqeeya dhismaha ciidamada ilaalada xeebadaha dalka .

Ugu dambeyntii Danjiraha qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya abuukar Daahir Cismaan Baalle waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ula jeedada ugu horaysa ay tahay in masuuliyadda ilaalinta xeebaha Soomaaliya maadaama ay iyadu xaq u leedahay waajibna ay tahay in la helo ciidanka ilaalada xeebadaha dalka.