Saraakiil Al-Shabaab ah oo isku soo Dhiibay Ciidanka Gedo.

29

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa Sheegaya in Seddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay habeenkii xalay Saqdii dhexe isku soo dhiibayn ciidamada xoogga ee ku sugan degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo.

Saraakiisha ciidamada ku sugan Gedo ayaa tilmaamay in xubnaha isa soo dhiibay magacyadooda ay kala yihiin:

1,Cabduqadir Ibraahim Cabdulaahi oo watay qori Ak47.
2,Maxamed Qani Shide Ibraahim oo isna watay Qori Ak47 iyo Cabdicasiis Maxamed Koosaar.

Labo ka mid ah ayaa waxaa ay wateen  2 Qori Ak47 Halka Midka Kale uusan wadanin wax qori ah,.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa horey u sheegay in la cafin doono dhalin yarada ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibta ciidamada xoogga dalka qeybtooda ka howlgasha Gobolka Gedo.

Sanadihii ugu dambeyey waxa isa soo dhiibayay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo ka dagaalama deeganada Jubaland.