Saraakiil iyo Mas’uuliyiin hore oo ku dhintay Qaraxa ka dhacay Gaalkacyo.

55

Saraakiil iyo Mas’uuliyiin hore oo ku dhintay Qaraxa ka dhacay Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Gaalkacyo goob lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Gaashaanle Mukhtaar oo ahaa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug iyo taliyihii qeybta 21aad Gen Qooje ayaa u dhintay dhaawac kaso gaaray qaraxii ka dhacay Gaalkacyo, sidoo kale dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug qeybta Puntland Yaasiin Tumeey.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay duqii hore ee Gaalkacyo ee qeybta Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay, waxaa dhaawac culus qaba taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Qooje Dagaari.

Waxaa jira dad shacab ah oo ku dhintay qaraxa oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa.