Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolkaasi.
Duqeynta ayaa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xubnahasi ka mid ah kuwa la weeraray Madaxii Amniga Dibada Dhaqdhaqaaqa Alashabaab, xili uu shir kasoo baxay safarna u ahaa deegaano hoos yimaada degmada Jilib.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeynta ay dhacday wax yar uun kadib markii uu soo dhamaaday shir looga hadlayay amniga oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ah
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Sargaal sare oo lagu magacaabo Abu Sufiyaan lagu dilay weerarka, kaasi oo ahaa Madaxii Amniga Dibada kooxda Al_Shabaab
Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha noo warantay oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay in ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe