Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay

26

Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo xoogan oo diyaarado dagaal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in in duqeyntaasi lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsan koodxa Al-Shabaab .

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Jubbaland Eng.Cabdi Xuseen Shiikh Maxamed ayaa sheegay in duqeymahaas lagu beegsaday  saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ma shaacin wasiirku magacyada saraakiisha duqeynta lagu dilay, iyo taradooda saxda ah intaba.

Maalmihii u dmabeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhankaah maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya