Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

49

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danabay ay ka fuliyeen degaano ka irsan gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Danab ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka laga fuliyay degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Gaashaanle Ismaaciil oo ka tirsan Danab ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo Afar kale, kaas oo Magaciisa lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan).

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidanka DANAB oo ay wehlinayeen kuwa Mareykan ah waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, hayeeshee howlgalkii ugu dambeeyay aysan weli ka hadlin Al-Shabaab.