Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeellada Hoose.
Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay Madaxdii Howlgalada gobolka Shabeellada Hoose iyo maktabka Dacawada Xizbada, waxaa uuna howlgalka uu ka dhacay tuulada Balow oo tagta deegaanka Bariire.
Saraakiil ka tirsan milartariga Soomaaliya ayaa sheegay in 20 dagaalame iyo labo sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen deeganka Bariire ee gobolka shabeellada Hoose.
Taliyaha ururka 143 ee xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii dadka deegaanka ay la soo wadaageen xogta dagaalameyaasha iyo saraakiisha Al-Shabaab ee la dilay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilay 20 kamid ah Al shabaab iyo Labo sarkaal oo xilal muhiim ah ka haayay kooxdaasi.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in labada sarkaal ee la dilay ay Al-shabaab u qaabilsanayeen xilalka Madaxii Howlgalada Gobolka iyo maktabka Dacawada Xizbada
Magacyada xubnaha la dilay ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Macalin Nuur oo ku Magac dheer Abuu qudama waxa uuna Al-shabaab u qaabilsanaa Madaxii Howlgalada Gobolka Shabeellada Hoose iyo Farxaan Abuu Macalin oo ku magac dheer ganay Al-shabaab u qaabilsanaa maktabka Dacawada Xizbada