Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Ka Shiray La-Dagaalanka Al-Shabaab

43

Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 60-aad ee deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sarreeyo Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciirrow ayaa Maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada 60-aad  ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed iyo xaaladda Gobolka

Taliyaha ayaa sheegay in howl-galadii ugu dambeyey ay qaadeen ciidanka xooga ay guulo weeyn kagaareen ayadoo lafilayo in lasii wado howlgalada joogtada ah ee ka dhanka ah Al-shabaab