Saraakiil ka tirsan ururka xisbulaahi oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka yemen

24

Diyaaradaha dagaalka ee isbaheysiga carbeed ayaa duqeyn ay ka gaysteen dalka yemen ku dilay labo sarkaal oo ka tirsan ururka xisbulaahi sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga ee yemen

Weerarkaasi oo ka dhacay xero tababar oo kooxaha xuutiyiinta ay ku leeyihiin duleedka magaalada sanca ayaa sidoo kale lagu dilay ku dhawaad toban dagaalyahan oo ka mid ah xuutiyiinta

Labada sarkaal ee lagu dilay duqeynta magaalada sanca ayaa la sheegay in ay u dhasheen wadanka lubnaan,waxaana ay tababaro ciidan ay siiyaan kooxaha xuutiyiinta

Madaxweynaha yemen cabdul rabbo mansuur hadi ayaa Iran ku eedeeyey in dalkiisa ay u soo direen quburo malateri oo u dhashay iran iyo lubnaan si ay u taageeraan kooxaha xuutiyiinta oo dagaal kula jira dowladda