Saraakiil uu hoggaaminayo taliyaha NISA oo gaaray Qatar

71

Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayna ku weliyaan saraakiil oo uu ka mid yahay Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Taliyaha NISA iyo saraakiisha la socota ay halkaasi kulamo muhiim ah kula qaateen madaxda Sare ee dalkaasi, iyadoona la sheegay in ay ka wada hadleen doorshada fooda inagu soo haysa ee dalka ka dhaceysa.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in safarkan u jeedkiisa uu yahay dardar-gelinta howlaha doorashada iyo xildhibaanada cusub ee la soo xuli doono.

Taliyaha hogaanka dabagalka ayaa heysta sida la sheegay dhalashada dalka Qatari waxaana la rumeysan yahay in uu kamid yahay shaqsiyaadka aadka dhow Fahad Yaasiin.

Safarka madaxdaan ayaa la sheegey in uu qaadan doono maalmo, iyagoona xooga saari doona arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.