Saraakiisha DF oo sheegay in ay qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

46

Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab, ka dib markii howlagallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo shabeellada dhexe.

Deegaanada howlgalka ay ciidamada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah deegaanada God-doonfar, Xaluushin, Diidow, Buulo Dhagaxow, Bulo macalin, Duurey Banyaale, kuwaasi oo ka kala tirsan gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe.

Cabdullaahi Mustaf Cali oo ah sargaalka howlgalkaan hoggaaminayay ayaa sheegay inta howlgalku socday in ay burburiyeen saldhiyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadada ay howlgalada ka sameeyeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo lacago ay arruurinayeen.

Marka laga soo tago hadalka saraakiisha ciidamada xoogga, ma jiro wax war ah ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan.