Sarakiisha CXDS oo Soo Bandhigtay Magaca Amiir katirsanaa A-lShabaab Iyo Koox La Socotay

84
Armed Al-Shabaab fighters patrol Bakara Market in Mogadishu, Somalia, Monday, June 29, 2009. Somali radical Islamic insurgent says weapons and ammunition the United States recently supplied to Somalia's embattled government will only increase violence in the war-wracked country. Sheik Hassan Ya'qub, a spokesman for the militant group al-Shabab in the port town of Kismayo, was responding to an announcement by U.S. officials last week that the Obama administration had supplied arms and provided military training worth just under $10 million to the shaky official government. (AP Photo/Mohamed Sheikh Nor)

Howlgal ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee qeybtooda Danab ka fuliyeen degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayeey Sheegeen iney ku khaarajiyeen Amiirkii Kooxda al-shabaab u qaabilsanaa jubooyinka iyo toban Xubin ah oo lasocday.

Ciidanka kumaandooska  Danab ayaa ka warhelern dhaqdhaqaaqa koox oo habeenimadii Sabtida soo gaaray hooy ku yiillay Sablaale, waxaana ciidamadaasi  ay howlgal qorsheeysan ka fuliyeen gurigii ay ku jireen kooxdaasi, iyagoo halkaasi Ku wada toogtay Amiirkii iyo tobankii la socotay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa Maalmihii ugu dambeyey kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ka dhanka ah Kooxda Shabaab ee xiriirka dhaw la leh Uruurweynaha Alqaacidda ee caalamka.