Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada K/Galbeed

27

Maxamed Cabdi Xasan oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada Koonfur Galbeed, sida uu shaaciyey maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Sarkaalkan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa watay qoray AK47 ah iyo sidoo kale Booshkiisa.

Sidoo kale wax ay mas’uuliyiinta Qansaxdheere ay sheegeen inuu u adkeysan waayey dhibaatada ay Shacabka ku hayaan Al-Shabaab, sidaasna uu uga soo baxay.

Ugu dambeyn maamulka ayaa sheegay in ninkaas ay ku wareejin doonaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loogu sameeyo baaritaano, loona hubiyo.