Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Mubaarak & wararkii u dambeeyey

139

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ay ku dileen Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka dib markii ay dhowr jiho ka wareereen Al-Shabaabka ku sugan degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Danab ayaa xaqiijiyay in Howlgalka lagu dilay Gudoomiyihii Maleeshiyada Al-shabaab ee degaanka Mubaarak iyo tiro ka tirsan xubno ka la socday.

Sidoo kale Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Howlgalka ku bur buriyeen gaari Hoomey ah oo Al-Shabaab ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa sidda lagu sheegay warka aksoo baxay Danab.

Sarkaalka lagu dilay howlgalkaasi ayaa lagu magacabaa Sheekh Cabdullaahi Gaare oo ahaa gudoomiyihii degaanka Mubaarak.