Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose

46

Ciidamada oo sameeyey Howlgal qorsheysan ayaa waxa ay ku dileen sarkaal katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Deegaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa dhacay kadib markii Ciidamada DANAB ay heleen xog la xiriirta sarkaalka katirsan Al-Shabaab sidaasina uu ku dhacay waa sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Ciidanka DFS.

Ma shaacin saraakiisha ciidamada Danab magaca horjoogaha ay dileen oo ay tilmaameen inuu dhibaato ku hayey bulshada deegaanka

Sidoo kale duleedka deegaanada Janaale waxaa ka dhacay howlgal baaris ah oo ay sameeyeen Ciidamada CXD, ujeedka ayaa ahaa in soosaarita Miinooyinka jidka Al-Shabaab geliyo iyo adkeynta Amniga sida ay ku xog-warrameen saraakiisha Ciidanka.

Maalmihii u dambeeyey gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa kusoo kordhay howlgalada Ciidamada Dowladda Federaalka ay kawadaan deegaanada gobolkaasi, si looga adkaayo maleeshiyada Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada DFS ayaa sheegay in howlgalo dhowr ah oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed in ay ku dileen saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.