Sawiiro +Gudoomiyaha Barlamanka KGS oo Deeq Daawo ah Gaarsiyay Isbitaalka Xudur & Isbitaalka SOS ee Bakool.

33

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr Ali Siad Faqi  ayaa Maanta booqasho ku tagey Isbitaalka SOS ee Degmada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool.

Xaruunta Isbitaalka SOS ee Degmada Xudur ayaa waxa uu gaarsiiyay deeq dawo ah oo uu ugu tala galay in lagu daawo Bukaanada Isbitaalka  SOS .

Dhinaca Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr Ali Said Faqi ayaa Maanta Deeq Daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Xudur si loogu adeego Bulshada Deegaanka.

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr Ali Said ayaa waxa uu soo kormeeray  qeybaha uu ka koobanyahay Isbitaalka  iyo Xaalada bukaanada ku jira Isbitaalka Degmada Xudur .

Amb Dr Ali Said  ayaa waxa uu xogwareystay Mas’uuliyiinta isbitaalka iyo dhaqaatiirka isbitaalka kuwaasi oo uga warbixiyay Xaalada Caafimad ee Bukanada yimaada Isbitaalka Iyo Baahiyaha ka jira halkaasi .

Deeqdan ayaa waxa ay qeyb ka tahaya  deeq Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr Ali Siad Faqi   uu ugu tala galay in wax looga qabto baahiyaha gaarka ah ee ka jira Gobolka Bakool.