Sawiiro: Gud.Gobolka SH/Hoose Ibrahim Adan Ali Najah oo maanta Si rasmi Tababar ugu Furay Marko.

135

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa maanta  si rasmi ah u furay tababbarka awood-siinta Guddiga xasilinta iyo nabadeynta Degmada Marka iyo deegaanada hoos-yimaadda, iyadoo munaasabadda uu ku sugnaa Senatar Xuseen Cali Xaaji, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka iyo Gudoomiyaha Degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Marko.

Maamulka Gobolka Shabellaha hoose ibrahim Adan Ali Najah ayaa Tababbarada loo qabanayo maamulada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu talagalay inuu  ku hagaajiyo nidaamka wada-shaqen ee dowliga ah iyo isku xirka  bulshadda iyo Dowladda.

Tababbarkan ayaa ah mid  awood-siinta Guddiga xasilinta iyo nabadeynta Degmada Marka iyo deegaanada hoos-yimaadda, waxana ka faa’ideysanaya  Maamulka Iyo Bulshada ku nool Marka .

Tababarkan ayaa waxa Casharo ka bixinaayo Aqoon yahanno  aqoon u leh nidaamka Dowliga iyo Xasilinta  deegaanada nabedeysan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa kula dardaarmay  dadka ka qeybgalayay tababarkaan  in ay ka faa’ideystaan  isla markana ugu adeegaan bulshada magaalada Marko .

#DaryeeliyoDowladnimo.

#NabadiyoNajah.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA