SAWIIRO: Kulanka amniga KGS oo maanta  lagu qabtay Beydhabo

40

Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Amb Dr Cali Saciid Faqi ayaa Maanta shir gudoomiyay  Kulanka  todobaad laha  Golaha Amniga Koonfur galbeed Soomaaliya .

Shirka ayaa waxaa looga hadley xaaladda amaan ee deeganaa Koonfur Galbeed  todobaadkii la soo dhaafey iyo sidii loogu diyaar garoowi lahaa sugida amaanka doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo dhawaan ka qabsoomi doona deeganada Koonfur galbeed ,

Waxaana ka soo qeyb galey wasiirka Amniga koonfur Galbeed isxaaq Cali Subag ,Taliyaha qeybta 60aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Shiikh Cabdullahi Ciirow ,Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur galbeed, Saraakiil ka kala socda Daraawiishta ,Nabad Sugida ,Booliska ,iyo Amisom .

Shirkan ayaa waxa si gaar ah looga hadlay siidi deeganadda Maamulak Koonfur Galbed Soomaaliya looga Xureyn lahaa Nabad diidak Al-shabab .