Sawiiro :Xulka Kubada Cagta KGS oo maanta la gudoonsiiyay agab Sports.

40

Munaasbad kooban oo maanta ka dhacay garoonka kubadda Cagta  Dr Ayuub Stadium ee magaalada Beydho ayaa waxa agab sports lagu gudoonsiyayXulka Kubadda Cagta  Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada dhalinyarada Ciyaaraha iyo agaasimayaasha wasaaradahaasi ayaa maanta aqab sports gaarsiiyey xulka kubada cagta koonfur galbeed soomaaliya .

Xulka Kubadda Cagta Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay hadda ku jiraan u diyaar garowgii ugu dambeyay eek u qaadan ka qeyb galka Koobka Kubadda Cagta ee Kooxaha  Maamulk Goboledyadda Dalka

Maamulka xiriirka Xulka Kubadda Cagta Maamulka Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay ugu mahad celiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo waliba wasaaradda dhalinyaradda Ciyaaraha Dowlad Goboledak Koonfur Galbeed Soomaaliya doork ay ka qaadanayaan horumarinta Sports deeganada Mamaulka

Agabkan sports ayaa waxa ka mid ah funaanadaha  ciyaartooyda ay ku ciyaraan kubado iyo qalab kale oo sports.