SAWIIRO:Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Dastuurka DFS oo Baydhabo soo gaarey.

36

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay.

Waxaana garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soodhaweeyay , Wasiiro , Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha , iyo howlwadeeno ka tirsan wasaarada iyo Mas’uuliyiin kale.

wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo soo gaaray maanta Garoonka Diyuuradaha Shaati Gadud ee Magaalada Beydhabo ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka ay u yimaadeeyn KGS.

Ujeedka safarka wafdigaan uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ah mid daba socda socdaalo horey ay u yimaadeen kuwaasi oo keenay nuqulo ka mid ah Dastuurka  qabyada ah si aragtida bulshada ku nool deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Mudada ay wafdigaan ay joogaan  Beydhabo ayaa waxa ay aruurin doonan aragtida aiyo wax ka bedelka dastuurka .