SAWIRO:- Amniga Magaalada Garoowe oo aad loo adkeeyay & wufuud horleh oo ku wajahan

23

Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay siweyn u adkeeyeen Amniga Magaalada Garoowe, halkaas oo la filayo in Maalin kadib uu shirweyne ka furmo.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PMPF ee puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa Maanta lagu arkayay wadooyinka Magaalada Garoowe, iyaga oo howlgallo baaritaano ah sameynaya.

noocyadiisa kala duwan ee wadooyinka isticmaalaya ayay Ciidamada baaritaan ku sameynayeen, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa la filayaa in 29-ka Bishaan oo ku beEgan Talaadada in uu ka furmo Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madax ka tirsan dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.

Shalay waxaa Magaalada Garoowe gaaray Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle, waxaana la filayaa inay madax kale tagaan Magaalada Garoowe.