SAWIRO:- Ciidaanka Xooga Dalka oo kala dhex galay Maleeshiyaad Ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

28

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Taliska Guutada 5-aad Qeybta 27-aad  ayaa ku guulaystay in ay si deg deg ah ku joojiyaan xiisad dagaal oo u dhaxaysay dad beeraleey ah  kuwaa oo xalay  iska hor  imaad kooban oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba lahaa uu ku dhexmary deegaanka shiir kaneeco oo qiyaastii 15 .km dhanka waqooye kaga beegan.magaalada Baldweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan

Saraakiisha hoggaaminaysay howgalka ayaa sheegay in la joojiyay dagaal u dhexeeyay dadka beeraleyda ahaa ee kunool deegaanka shiirkaneeco, isla markaana haatan wadaan dadaalo lagu doonayo in lagu heshiisyo xoolada dhaqatada dagaalka  dhexmaray .

Xaalada deegaanka ayaa maanta  ah mid degan, kadib markii dagaal khasaaro geystay uu halkaasi ka dhacaymaalintii shalay .

Dagaalkii shalay dhexmaray beeraleeyda oo ka dhashay muran dhul-beedeedyo ah ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Gobolka hiiraan ayaa waxaa ku soo noqnoqday dagaal beeled  salak ku hayo dhul iyo daaqsin ay isku heystaan beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka .