SAWIRO:- ciidanka Ilaalada Qaranka Maraykanka oo la geeyey Washington

39

Ciidan ilaalada Qaranka Mareykanka oo tiradooda lagu qiyaasay 10 kun askari ayaa  ku qulqulaya Washington, DC si ay gacan uga geystaan ​​sugidda ammaanka ka hor munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha la doortay Joe Biden oo la qaban doono 20-ka bishan Janaayo.

Go’aanka uu qaatay Xoghayaha Ciidamada Mareykanka Ryan McCarthy ayaa ku soo aadaya iyadoo FBI-da ay ka digtay banaanbaxyo hubeysan oo la qorsheynayo in lagu qabto Washington inta lagu guda jiro xaflada dhaarinta ee 20-ka Janaayo.

Arbacadii la soo dhaafay, boqolaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha Donald Trump ayaa isku dayay dhismaha Capitol iyadoo Congress-ka uu ku guda jiray si loo caddeeyo guushii Biden, waxaana ku naf waayey shan qof.

Trump oo xilka ka degaya ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo labo jeer dacwad xilka xayuubin ah uu Aqalka Wakiillada Maraykanku ku soo oogo, iyadoo xilligan lagu eedeeyey inuu kiciyay kacdoon ka dhan ah dowladda Maraykanka

HOOS KA DAAWO SAWIRADA