SAWIRO:-Dab khasaaro geystay oo ka kacay Magaalada Muqdisho

27

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Dabka geystay khasaaro hantiyadeed oo ka kacay guri ku yaalla dhabarka dambe ee guriga hooyo Baxsan Ex Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne, waxaana uu ku faafay Guryo kale oo ku dhegan guriga uu damba ka kacay.

Xaafada uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay tahay mid isku raran ah, waxaana jirtay in saacado badan uu qaato in uu dabka ku faafo Guryo kale maadaama gaadiidka dam-demiska uu geli waayay, hayeeshee ugu dambeyn la demiyay.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa mararka qaar ka kaca dab xoogan oo inta badan geysta khasaaro hantiyadeed, waxaana jira guryo ku yaalla Xaafado Obasiib ah oo ay geli waayaan Gaadiidka dam-demiska.

Shaqaalaha dabdamiska oo goobta gaaray goor dambe ayaa ku guuleyteen in ay damiyaan dabkaani .