SAWIRO:-Madaxweeynaha KGS oo casho sharaf u sameeyey Ciyaartooyda KGS

84

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Casha-sharaf dhiiro galin ah u Sameeyey Xulka kubada Cagta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Muqdisho uga Qeyb-galay Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Xaflada ayaa Waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ku-Xigeenadiisa Wasiiro oo ugu horeeyey wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha KGS Mudane e Ibrahim Aadan Ali najah iyo sidoo kale Xildhibaano Agaasimiyaal iyo Marti Sharaf lagu Casuumay Xaflada

Xalfada inteey socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso lagu dhiiro galinayo ciyaartooyda xulka kubada cagta Ee KGS

Wasiirka dhalinyarada & Ciyaaraha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane ibraahim Aadan Cali Najah oo xalafada khudbad xaasi ah kajeediyey ayaa uga mahadceliyey ciyartooyda dadaalkii wanaagsanaa ay ka muujiyeen tartankii bishii lasoo dhaafay lagu soo gaba-gabeeyey muqdisho asagoo wasiirku carabka ku dhuftay in ay sii wadi doonaan garab-istaaga ciyaartooyda KGS

Madadweynaha Dowlad Goboleedka KGS mudane CabriCasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa shahaado sharaf gudoonsiyey Wasiirka dhalinyarada & Ciyaaraha KGS Ibrahim Adan Ali Najah taasi uu ku muteeystay Garab-istagii iyo taageeradii uu u muujiyey Ciyaartoyda KGS waxaana sidoo kale abaal marino kala duwan uu madaxweynuhu gudoonsiiyey Ciyaartooydii Mataleeysay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya

Xulka kubada Cagta Ee Dowlad Goboleedka KGS waxay sanadkaan u eheed markii ugu horeeysay ay soo gaaraan afar dhamaadka tartankaan ayagoo galay kaalinta Sedexaad Ee Tartanka waloow ay jireen dhaliilo badan ay ka tabanayaan Xiriirka Kubada Cagta Ee Soomaliyeed

SAWIRADA HOOS KADAAWO