Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Hargeysa

65

Shilkaan oo geystay khasaaro dhaawac ah ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta ciidanka wadamarista ee dhanka beri ee Hargeysa.

Shilka ayaaa yimid kadib markii ay isku dheceen gaari booyadd ah iyo gaari waaraad ah oo nooca qaadka qaada ah, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo Shacab ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa wadamarista Somaliland iyo dad Shacab ah ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadka ku dhaawacmay shilkaas, iyaga oo geeyay Isbitaalka Magaalada Hargeysa.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Somaliland kusoo batay shilalka gaari, waxaana shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.