Sawirro: Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed Oo Soo Bandhigay Adeeg Gurmad deg-deg ah

82

Dhammaan laamaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa waxay xuseen maalinta caalamiga ah ee gargaarka deg-degga oo ku beegan 12-ka September 2020-ka.

Munaasabado ballaaran oo lagu xusaayo maalintaasi  ayaa waxa lagu qabtey dhammaan laamaha gobollada dalka oo dhan waxana lagu soo bandhigay waxqabadka Ururka, iyo ahmiyadda adeegga gargaarka degdega oo ka mid ah howlaha uu bulshada u qabto ururka.

Xaflad ay ka soo qeyb galeen howl-wadeenada iyo saraakiisha xafiiska isku duwidda ee  Ururka Bisha Cas ayaa lagu qabtey xarunta Jaamacadda Plazma ee magaaladda Muqdisho. Waxana sigaar ah loogu soo bandhigay adeeg cusub oo ah lambarka gaaban ee 446, oo ah lambar ay si lacag la’aan ah dadku ku soo wici karaan si loogu fidiyo adeeg marka ay jiraan xaalado deg-deg ah.

“Wuxu adeegaan bulshada ka caawin doonaa ina aan si sahlan ula shaqeyno inagoo saacad kasta u taagan howlaha gurmadka iyo caawinta dadka waxyeelada kala duwan ay soogaarto’’, sidaas waxaa sheegay Maxamed Tallman oo ka mid ah howl-wadeenada Gurmadka deg-dega ee Ururka Bisha Cas ee Laanta Muqdisho.

Sidoo kale, Maxamed Yarow Cabdi oo ah madaxa gargaarka deg-degaee Bisha Cas oo isna ka hadlay munasabadda ayaa sheegay in ay markasta garabtaagan yihiin bulshada Soomaaliyeed, waxana uu xusey in ay ku dadaali doonaan markasta caawinta iyo la shaqeynta bulshada Soomaaliyeed, ururka Bisha Cas-na uu yahay urur ay bulshadu leedahay.

Ururka Bisha Cas oo ah ururka  keliya ee adeega gargaarka deg-degga ka bixiya dalka oodhan ayaa sheegey in ujeedada munasabadaasi aheyd inuu ku soo bandhigo waxqabadka gargaarka deg-dega ah.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-